VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wardhiiglay - Lyrics

Wiil yaroo barbaariyo Inan hadduu balaadho Shaxda buuxda gaari Waa inuu bannaankiyo Usoo baxaa da'diisee Aniguna bidhaaniyo Waxbaa ii bikaacoo Kaala baxay haweenkoo Beerkaygaad kuwayntahay Dhulku kala balarane Barxaddii wardhiigley Xaafaddii barwaaqada Aan arooska kugu dhigo Waa haween bulaashood Dumar kala bardheeroo Baarkiyo sankeeduna Waa la isku beegoo Una bogay xaqiiqdii Xubnaha barkoodana Waala kala bayaanshoo Jooggiyo bidhaantuna Buurbaa lamoodaa Dhulku kala balarane Barxaddii wardhiigley Xaafaddii barwaaqada Aan arooska kugu dhigo Wiil yaroo barbaariyo Inan hadduu balaadho Shaxda buuxda gaari Waa inuu bannaankiyo Usoo baxaa da'diisee
Queue is empty
-- / --