Heesta Aadooy huunooy - Lyrics
ubax dayrtii baxayoow udgoonow
kaaho aroortii baxayoo iftiimow
ma ogtahay anoo ilo biyo le jooga
ma ogtahay dartaa inaan u oomanahay
maantoo dhan taan absanaayay
taan aawadeed u ildaraayeey
ma ogtahay inan kuu anbaday adiga
ma ogtahay darta inaan ugaadhobay
heedhee inaabti aboowe aabow huunow
ahe sow qalbiga kuma abuurnid
ruuxaan arkaba adi ma moodin
heedhe inabti abaayo aaadoy huunooy
ha irdhoobinoo umal ha qaadin
anba kuma ilaawine ha ooyin
axdibaa inoo xidhane aamu
sidii ayro geeloo irmaano
ilmaheedii waydaan u ololay
ma ogtahay sidii igar maqaarlayda
ma ogtahay inaan raadsho aragaaga
ooftiyo adhaxdii jidhkaygaay
aqligiyo aqoontii naftaydaay
ma ogtahay markuu uurku ku xasuusto
ma ogtahay in la ikaa hor keeno
heedhe inaabti abaawoo aadaw huunow
urugada jacaylbaan la ooyay
dhibtaan adiga kuu qabo la ilmeeyay
heedhe inaabti abaayo aadooy huunooy
kuu imide waykane ha ooyin
iimankaa deeqa ha ilmaynin
anba kula midbaan ahaye aamu