VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bal Qofyahow - Lyrics

Mar adoo iga dheer baa
qalbigu kuu dhaawaqayaa
mar adoo ii dhow baa
qalbigu kaa dhargayaa

Mar anoo dhanki hurdada galay
haasaawahaa kula dhig dhigaa
sidaad iigu dheertahey
ma ruuxaan kula dhigaa jira
sow dhuuxa iyo maad
qancin iyo dhiigaba

Bal dhankaada qabo
caashaqu yaanu dheeliyinee
anigana i dhowr sida curad dhalaan
aan dhool dhoolinee

Marbaan dhabta iyo dhaya
kala ogeyn aan dhoohanee
marbaan qeylo dhaan
dhaxan looga dhaliyaa
aan dhididayaa

Marbaan dhanka iyo aqalkoo dhargiyo
dhagahey faraxad kusoo dhacda
dhinacyey kalgalcalkuyee
ma ruuxaan kula dhigaa jira
sow dhuuxa iyo maad
qancin iyo dhiigaba

Bal dhankaada qabo
caashaqu yaanu dheeliyinee
anigana i dhowr sida curad dhalaan
aan dhool dhoolinee


Queue is empty
-- / --