Heesta Goormaynu darisnaa - Lyrics
Sida damal barwaqo
Ah wabi dacalka kaga
Yaal oo ay dushii sare
Daruuruhu hadheeyeen
X2
Dayaxuna dhankaa bari
Kaaha uga soo diray
Doogiyo caleentuna
Ka dil dil hareeraha
X2
Oo aan dabayshiyo
Duufaanku soogalin
Dugsigiyo gabood
Kuna hortodu dadab
Dadab tahay
X2
Waad ideqday anigoo
Dumar kaa jeclaystee
Goormaynu darisnaa
Goormaynu darisnaa
Goormaynu darisnaa
X2
Doqon baa amaan
Iyo faan kuugu darar
Tee da'day kama qab
Wayniye dadka hayga
Saarine
X2
Adon duurka soo xulin
Waxad uga dan ledahay
Dagaduba ha maqashe
Dil dilaaci hadalkoo
X2
Halkay dow ka leedahay
Maxa heedhe kuu daran
Gorman dab kugu shiday
Dabayluhu ku qaad
Qaadeen X2
Hay daalin adiguna
Anigoo wax kuu diran
X2
Dawo kuuma noqonine
Dawo kuuma noqonine
Dawo kuuma noqoninee
X2
Dadka kaama saarine
Waan kuu dan sheegtee
Iga daacad weye deel
Qaaf hamoodine
X2
Dirirkoo hilaaciyo sida
Hogol da'aysaad duhur
Kiyo habeenkii la ikaa
Dulkeenaa X2
Lama dado jaceylkii
Doogtiisa caashaqa
Ha damqine ka daayoo
Aan is daa dahaynee
X2
Waad ideqday anigoo
Dumar kaa jeclaystee
X2
Goormaynu darisnaa
Goormaynu darisnaa
Goormaynu darisnaa
X2
Alay lehe daleed iyo
Debad baad ordaysaa
Dibin daabyo iyo howl
Haku doonan lugahee
X2
Adoo duud shareerliyo
Degan dooxa iyo rays
Damac yuu ku qaadine
Waad didisan doonta
X2
Iminkaba isdaba qabo
Dayr ha iska sii ridin
Dabna ha isku sii shidin
Yuuku dilin jacayl kuye
X2
Hay daalin adiguna
Anigoo wax kuu diran
X2
Dawo kuuma noqonine
Dawo kuuma noqonine
Dawo kuuma noqoninee
X2