Heesta Suugaan da weynoo - Lyrics
Suugaan da'weynoo
Dad hore yiri baa tiri
Dameeraa dihashada
Weylo daaqiyo dhalay
Dad miyuu aqbalayaa
Waxaan uga danleeyahay
Daawadeeydu ay tahay
Ana kaan u daalee
Udayoobay awgii
Marna tirada kuma darin
Dood buu kula gelin
Warkaase dabaylaha
Duufaan ku yiri sidee
Ma runbaan ku daayaa
Dibna kuuma magdhamo
Misee dira diraallaa
Kala diraa dadka isjecel
Labadii isdoortaba
Waa loogu dawgalay
Ayaa dankalee wadaa
Duminaaya caaashaqa
Waa tan nabaddii durugtee
Horta yaan isku keen diray
Danbigaa yaa iskaleh
Dumadiisa yeey tahay
Yaa dabanidaa dhigay
Yaa dooxay caashaqa
Qalbigeennii doorsaday
Sugaan da'waynoo
Diiwaan galaa tirii
Nugaal duduf laga waa
Docmana aroor qaday
Dad maqaadan karayaa
Waxaan uga danleeyahay
Ama dacwadu iga tahay
Ana kaan dubiyo jiir
Udubaaxshay awgii
Dareenkayga kama helin
Duurkay kala gelin
Warkaanse dalabtiyo
Iigu yimid durduro fudo
Ma runbaan ka diga rogay
Dibna waadan u arkayn
Mise daduu na fashilaybaa
Ayaamuhu dalaq yiri
Damac waashay baa jira
Waxaa aan la'aan ku daayee
Ku dabaalayeestaba
Dakharkii safeysnaa
Waa tan nabaddii durugtee
Horta yaan isku keen diray
Danbigaa yaa iskaleh
Dumadiisa yeey tahay
Yaa dabanidaa dhigay
Yaa dooxay caashaqa
Qalbigeennii doorsaday