VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Raaxada aduunyada Lyrics

Firaashka caashaqa
Rooroodinaayo
Qacda qacda
Koobayaan ahay

Riila ka oofsaday
Maan dhigin rarkiisii
Rajo meel kamaan helin
Walina waan rogrogayaa

Waxa laguu riyaaqaa
Naftu raali noqotaa
Waxa laguu riyaaqaa
Naftu raali noqotaa
Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa
Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa

Raaxada aduunyada
Ruuxba ruux weeyaan
Riyo kala maalayaan
Reerihii dareeraan

Raxaraadka caashaqana
Roodinaayoo
Isa sii isa sii dhulaadoo

Dhibloo dhaarta ii dhigay
Qandhigana rarkiisii
Raasamaal kamaa helin
Walina waan rogrogayaa

Waxa laguu riyaaqaa
Naftu raali noqotaa
Waxa laguu riyaaqaa
Naftu raali noqotaa
Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa
Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa

Raaxada aduunyada
Ruuxba ruux weeyaan
Riyo kala maalayaan
Reerihii dareeraan


Lyrics by: ismael
loading..
-- / --