VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Riyaaqaa - Lyrics

Firaashka caashaqa Rooroodinaayo Qacda qacda Koobayaan ahay 2× Riila ka oofsaday Maan dhigin rarkiisii Rajo meel kamaan helin Walina waan rogrogayaa 2× Waxa laguu riyaaqaa Naftu raali noqotaa Waxa laguu riyaaqaa Naftu raali noqotaa Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa Raaxada aduunyada Ruuxba ruux weeyaan Riyo kala maalayaan Reerihii dareeraan 2× Raxaraadka caashaqana Roodinaayoo Isa sii isa sii dhulaadoo 2× Dhibloo dhaarta ii dhigay Qandhigana rarkiisii Raasamaal kamaa helin Walina waan rogrogayaa 2× Waxa laguu riyaaqaa Naftu raali noqotaa Waxa laguu riyaaqaa Naftu raali noqotaa Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa Ishuu ishuu ishuun la iska aragtaa Raaxada aduunyada Ruuxba ruux weeyaan Riyo kala maalayaan Reerihii dareeraan 2×
Queue is empty
-- / --