Heesta Beydhabo - Lyrics
Bocoryahay qurxoonee
Barwaaqo lagu dhalay
Inanyohoow bilaneeyee
Baqaydana badhkeedyee
Baashaalkeenu waa
Baladkeena wacan iyo
Beerihii xamreed iyo
Haloo beensho haloo beensho
Haloo beensho nabadaa
Baashaalkeenu waa
Burca iyo hargaysiyo
Badar ceerigaabiyo
Mushmushaax mushmushaax
Mushmushaax banaadira
Sidii la iiga kaa beeray
Ayaan kuugu barooraa
Sidii la iiga kaa beeray
Ayaan kuugu baahdaa
Buladiyo cayaarahan
Iyo arooska loo bogay
Adaan kuu balaarshee
Meel aan jaan ku dagayaay
Caashaqan baxnaanshay
Iyo beerka kuu waday
Habi baydan kula galay
Waa bishaaro nuurkeed
Boqoradii haweenkee
Ubo laga baxshaa tahay
Cilmi mid uu ilaah baray
Xikmad buuxabaa tahee
Boosaaso iyo
Boosaaso iyo gaduud
Buuhoodle iyo hawd
Bilaneey bilaneey
Bilaneey damaashaad
Burudkaagu yaable
Dhulka roob ku baagiyo
Bustaankii abooyiyo
Baydhabo baydhabo
Baydhabo dalxiisnee
Ma ogtahay bishaarooy
Waa ii baryaa tahay
Ma ogtahay bahweynow
Inaa tahay bilkhayrtay