Wadani hooyo dihay
Dad maqan miyaan doonayaa
Maxaa cilmi loo dulmiyay

Wadani hooyo dihay
Dad maqan miyaan doonayaa
Maxaa cilmi loo dulmiyay

Ha la ii daandaansadaa
Cadawga katiidabaa
Dulmigana anaa is baday

Dulqabay damqoo
Jidhkaa i dubaaxinaayee
Ilmaa iga daadanaysee
Dib miyaan loo noqonahayn

Intaan isku duuban noqono
Danteena wada dhamaanaa
Dareenka ka wada sinaano

Dalkeenana aan jeclaanoo
Dagaalka sokeeya kii
Jacagan badaa kaclayn

Dulqabay damqoo
Jidhkaa i dubaaxinaayee
Ilmaa iga daadanaysee
Dib miyaan loo noqonahayn

Exit mobile version