Cugashada jacaylkiyo
Caafimaadka noloshu
Cimrigaygu igu simay

Adiguna canaaniyo
Hadal laga cadhoodaada
Adiguna canaaniyo
Hadal laga cadhoodaada
Igu soo celcelisaa

Kol hadaanu caashaqu
Ii kaa canaadeyn
Caqligaaga yeelkee
Caqligaaga yeelkee

Calooshaydu kuma nicin
Kuma nicin
Kuma ciishoo abidkaa

Caloolyowga iga daa iga daa
Caloolyowga iga daa
Caloolyowga iga daa iga daa
Caloolyowga iga daa

Curashada daruurtiyo
Cirkan hooray waabari
Cadceediina kugu soo fidi

Adiguna caleentiyo
Dhulkan wada cagaarkaa
Adiguna caleentiyo
Dhulkan wada cagaarkaa
Caracaraf kuu sheegtee

Kol hadaanu caashaqu
Ii kaa canaadeyn
Caqligaaga yeelkee
Caqligaaga yeelkee

Calooshaydu kuma nicin
Kuma nicin
Kuma ciishoo abidkaa

Caloolyowga iga daa iga daa
Caloolyowga iga daa
Caloolyowga iga daa iga daa
Caloolyowga iga daa

Exit mobile version