Cabaar baan ku sugayoo
Cadceedaa i damaqdee
Cabaar cabaar baan ku sugayoo
Cadceedaa i damaqdee

Cidlo kaagamaan tagin
Kaamanaan calool guin
Caydhina ismaan odhan
Cimrigayna kuma talin

Caqligii naftaydoo
Cosob iyo dhul baadnoo
Cadaan iyo madowbaan
Ku calmadayee anigaan
Ku caleemo saaree
Cadhadii ka soo noqo

Caydh iyo dabayl iyo
Cir onkoday fiidkii
Caydh caydh iyo dabayl iyo
Cir onkoday fiidkii

Ayaamaha cartamay iyo
Roobkigay la ciilayee
Cilmi iyo tiriig wadan
Caashaqeena inanyohoow

Cid waliba ogaatee
Ka ilaali cadawgoo
Cidna yaan lagaa helin
Ku calmadayee anigaan
Ku caleemo saaree
Cadhadii ka soo noqo

Exit mobile version