dalkaygoow dushaadu waa barwaqee
dabayshaaduu way udgoontee
dalxiis kaagamaan imanin
meelaan kugu doorsanaaya
miyay dunidaba ku taalaa
somaliland dushaadu waa barwaaqee
deegaan qurxoonoo dalkaygow
macdani ay dul jiiftiyo dalkaygoow
ciidaadu waa dahab
doogiyo barwaaqo ah
dadkaygoow
somaliland dushaadu waa barwaaqe

aan dagal shisheeyaha dalkaygoow
dawarsiga qaxootiga dalkaygoow
darxumo aan ku noolahay dalkaygoow
damiirkayga maa dhiman dalkaygow
dadaal baan ku maqanahay
dunidaan kaa iiibshaa
inaan ul iyo diir nahay dadkaygoow
somalland dushaadu waa barwaaqe

Exit mobile version