Deeq aragtidaadii
Deymada jaleecada
Indhahaa ku doogsada
Ugu ruux ka daawado
Ragba dunida joogaba
Haldoorkaadii baad tahee

Sida damal magoodoo
Caleentii ku dadantahay
Dusha uga hilaacdaan
Dun xariira iyo shaal
Dayax nuuray baa tahee

Inaad inaad daacad ii tahayee
Axdigeenii daayicin
Iigu dhaaro diintoo
Degdeg degdeg aan war kaa helo

Doondoonidaadii
Naftan kuu dagaantee
Dabayluhu ay qaadeen
Daruuraha ay i geeyeen
Dalanbaabigaagii
Dunidaan shiraacnay

Waayuhu dul saareen
Mawjadaha dakaamaha
Darbiyada ku xooreen
Dawo waxa u noqon lahaa
Deeqo aragtidaadee

Inaad inaad daacad ii tahayee
Axdigeenii daayicin
Iigu dhaaro diintoo
Degdeg degdeg aan war kaa helo

Exit mobile version