dheeliyo ciyaariyo
dhayal kumaba taagnide
dhiig geesi shubayyo
dhaxee hanad la dooxiyo
geeri loo dhamaayiyo
shacabku uu dhadhamiyaad
dhidibkoodii tahayee
dhulku qaaruu diidiyo
dhirta laamaheedii
iil loga dhigaybaa
ku dhantaa wanaagee
abidkaa ha dheeliyin
dhaayahaygu marnaba
kaamaba dhargaanoo
dheehashada ducaan kali
quraan kugu dhameeyaa
alle inuu ku dhawree

maxaa dhaxan qaboow iyo
dhiifiyo xanuun iyo
halasuhu nimuu dhabay
hurdo inuu dhakooriyo
kuu diiday dhaqashoo
dhicintaa ku foognaa
maxaa hooyo dhiiliyo
naxdin kuu dhadhamisoo
say iyo dhalaaniyo
dhagar qabe daraadaa
ka dhameeyay noloshoo
aduunyada ka dhaadhacay
dhaayahaygu goornaba
kaamaba dhargaanoo
dheehashada ducaan kali
quraan kugu dhameeyaa
alle inuu ku dhawree

Exit mobile version