Diriraay hilaacaay
Hadii aanay daroorayn
Cirku da,ayoo dihashada
Dhulka ubax dilaacoo
Daymada u rooniyo
Deegaan ma yeeshee

Dookhiyo kalgacalkana
Hadaan la isla dalandalin
Dareenkiyo xishoodkana
La isa soo dunuunucin
Dibindaabyo mooyee
Duxba lagama gaadhee

Inta nacabku nabdigan
Dabayl raacin sheekadu
Aan is daadahaynee
Darandoori caashaqa
Darandoori caashaqa

Carab labada daaniyo
Dadku wuu is diidaa
Marmarbaani dacaroow
Ku heshiinin doodee
Ha yeeshee duqaadiyo
Dadka lama il duufee

Anoo kuu dibaaxshiyo
Adoo doogta ila mida
Inaan kala dan durugnaa
Kuma daaro caashaqu
Dirirtiyo colaadoo
Degba lagama gaadhee

Inta nacabku nabdigan
Dabayl raacin sheekadu
Aan is daadahaynee
Darandoori caashaqa
Darandoori caashaqa

Exit mobile version