VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Haraad mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Sahra halgan
Haraad

jacaylkaaga i hayoo
habeen hurdo kaama seexdo
dharaarti ma hadh galoo
adaan kugu heelanahee
adaa laabta iyo hiyiga
adaa hadhsadoo hantiyay
halista wadnaha i jaray
hawaawiga adaa i baday
hugaygaan ku moodayaa
haraad baan kuu qabaa
hawada kaa daawadaa
hadii aynaan is helin
amaynaan wada heshiin
naftaydaan halaynayaa

jacayl halis weeyiyo
cilmiba wa akii hog dhigayee
hdana maba ogee
siduu ugu heelanyahayee
hubaal adigaa i hoday
halbawlaha dhiiga qaadiyo
hadlista wadnaha i jaree
hawaawiga adaa i baday
huugaygaan ku moodayaa
haraad baan kuu qabaa
hawada kaa daawada
hadii aynaan is helin
amaynaan wada hehiin
naftaydaan halaynayaa

codkii Sahra halgan