In kastoo gu,yaal hote
Gacmo gaar lahaynoo
Cishqigaagu gaasiray
Siduu inoo helay
Markii aad i gadoontee
Kii kale u dhooftee

Faraskaagii gaabshee
I garabee weydaan
Ana gooyay wacadkii
De garab igu joogoo
Aan go,aan ku siiyee
Iskala nooloow

Geedo saati ka dhiga tahee
Gaabso sheekadaadee
Adigiyo garaadkaa

Gabanyohoow aduunyadu
Gadaadani igu moodyoo
Siro gocaati maahee
Aan go,aan ku siiyee
Adoo guri barwaaqo ah
Adoo guri barwaaqo ah
Guduboo intuu miray

Gal xareeda iyo wabi
Iyo galac kaleeyeen
Googta kaalay igu yabaal
Geedo laga hayaamoo
Laga goostay saacii
Miyaa laga guura oo

Geedo saati ka dhiga tahee
Gaabso sheekadaadee
Adigiyo garaadkaa

Exit mobile version