Inanyohoow daraadaa
Anfacadaa ma daacoo
Inanyohoow daraadaa
Anfacadaa ma daacoo
Dabnaha ma saaree
Dabnaha ma saaree

Sida eeda uu daad maray
Ama ubaxa dayreed
Indhaha ku doorta oo
Qalbigaad dul joogtaa

Qandho aad u badan iyo
Dacaraad ku kicisee
Qandho aad u badan iyo
Dacaraad ku kicisee
Kumaba dayn karaayee
Damalkaan ka baydhiyo
Imikoon da,daa nahay
Damalkaan ka baydhiyo
Imikoon da,daa nahay

Waan ku daawanaayoo
Dadka kaa jeclaystee
Ha i dayrin wiilyohoow

Sida dooxa hawdoo
Waqal aad u daraniyo
Mayay uu digidhaba iyi
Daadku soo rogmadaayoo
Daraato caleentuna
Dharabu ku didiyey

Ayaan kuu deexdoo
Lafahaagu damaqdaa
Kumaba dayn karaaye
Damalkaan ka baydhiyo
Imikoon da,daa nahay
Damalkaan ka baydhiyo
Imikoon da,daa nahay

Waan ku daawanaayoo
Dadka kaa jeclaystee
Ha i dayrin wiilyohoow

Exit mobile version