bogsi weeyi samirkuba
hadii loo bislaadee
bari iyo galbeedkaba
caalamkaa u baratama
buqcadaad ku taaloo
bulshadaadii may garan
baahida laguu qabaay
barbaraay

baryo waxaad saluugtaba
bilicdii magaalada
waatan soio bildhaantee
marka hore bariidiyo
barbaraay ma nabadbaa

bada iyo banaan kiyo
buuraha dhamaantood
khayraadka badanee
boga aad ku haysana
bilow weeyi tani
hadii loo baraarugo
la bisleeyo macdantana
qarankuba ma baahdeen

bari waxa ka dhoofiyo
bada waxa ka soo daga
midna kuguma baydhoo
sida ay u badantay
barbaraay waxaad tahay
bahda ugu waynee
korinaysay baalaha

barbaraay ogsoonow
bacadkiyo kulaylkana
baraf lagu qaboojiyo
heerku dheeshli buufine
baritiyo wixii nool
way iman barwaaqadii

boodhariba taariikh
barbaruu ku leeyee
bal wixii is jecelee
caashaqu ku beermow
batalaale aadoo
bada uun cagaha gali
baxsanaa dhulkeenani

Exit mobile version