ruux haduu ku caashaqo
laabtiiisa kuu culo
looma camal xumaado
ciil laguma beeree
adigaa caradoo idil
inta curad ku guud nool
iga wada cajabiyee
cosob iyo ugbaad iyo
dhul caleen liyo doog
cud aan ku dhaqanee
nabad ugu cawayne
ku calmdaye ila cuge

naftaydaad casiisiyo
cadceed aad uu tahayoo
cindigiyo maankaa
weheshda codkaagee
caqliga iyo garashada
raga caam ahaantood
iga wada cajabiyee
cosob iyo ugbaad iyo
dhul caleen liyo doog
cud aan ku dhaqanee
nabad ugu cawayne
ku calmdaye ila cuge

Exit mobile version