hanaanka xishoodka
habsami dhaqankaaga
hadheeyay naftayda
hadmaad iga baanan

anaaba hankayga
sidii hogol rooba
hilaacna dul joogo
heedaydu ku raacday

hadaanan waxaan
hanti haysto
u hurin nftaada
halyay jiraba ma ihi

hadaanba adoo i horjooga
hawaysto ragoo dhan
hibaaq baxayba ma ihi

hubqaadka jidhkaaga
hoygaad ku barbaartay
hadaan ka masuugo
hogaan dhaqan ma ihi

hubaashii anaaba
humuunta jacaylka
intaan la haraaday
hoheey lale kaalay

Exit mobile version