naf jacayl haleeliyo
niyad kugu sanbaa
nabarkii i baahiyo
udub laga jiraa

nugulkii horiyo
nataqay ahayd
nabadaa jartiyo
nacabkaysatee

naxariis i saaqdiyo
neecow udgeenay
naqa iyo barwaaqada
nadar jiido wacaney

nafsadaan ku rabin
naawilada madhan
ha ku raadinoo
naruurow ha odhan

ha nusqaamin taladoo
nacab ha iga dhiganine
ha ku neefsanee
noole cishqiga

balankiyo nasiibkana
naftu way ogsoontahe
wan u noolnahee
nasrigaaga sugo

u nuglee jacaylkii
nadi ila dhacayoo
kama nuursade
dhakhlee wadanaha

hadii aad naliyo
nayruus ahayd
ka dhow qalbiga
wanaagow halkaa

wadi naasi u jee
ay nagaadi iyo
nolol aan dhisnee
ha iga nixin walaal

nin ragaad ahayd
wakad shalay i nacdee
soo noqnoqoshadaaduna
nacas yay ku qorin

ha nusqaamin taladoo
nacab ha iga dhiganine
ha ku neefsanee
noole cishqiga

balankiyo nasiibkana
naftu way ogsoontahe
wan u noolnahee
nasrigaaga sugo

Exit mobile version