A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z

Sanaag Lyrics

saldhigii dalkaygiyo
sabadaan ku ababaay
soonaheeda gaariyo
sanaag uduga
dhamanteed tii lagu sifeeyay
soomaalli idilkeed
bartii laga socdaale
sareedadu ay taalaay
illaahay sanaageey
kaa ilaali saranseer
samo iigu nooloo w
sidii aad ahayd beri
sabanadii horeetiyo
marki aan ahaa sabi
sumcadaad lahayd
saatir kuugu soo celi

sabbadaydii hooyiyo
silsiladii golis iyo
surad gooonyaheediyo
seerahii dalxiiskiyo
saatir siiyay hibadaa
saatir waxaan baryayaa
abidkaa sanaageey
saymaha colaadiyo
saranseeer abaared
Kuma saaqdo beladuye
sad bursiimo yeeloo
sidii aad ahayd beri
sabanadii horeetiyo
marki aan ahaa sabi
sumcadaad lahayd
saatir kuugu soo celi

Queue is empty
-- / --