Heesta Madaxweyne soo eeg - Lyrics
madaxnimadu xoog iyo muran iyo dhib iyo
aan maroorsho maahee
nimuu mawle siiyoo midigtiisa galiyoo
maalmo ugu gargaaraa
adna waad mutaysate
maalmihii qadhaadhaa kuwii noo miciiniyo
bal mujaahidiintii madax wayne soo eeg
kuwii mawdku qaadiyo mudankay dhaleen
marna lagama guuree mid se iga dardaarana
heestu ha ii micnaysee magacoodu yuu lumin