somaaliland dhamaanteed
sifo gaara weeyoo
saatirku u dhameeyoo
saxariir ka leexshoo

sanad hoodo dhalato
simanyahay dadkeedoo
sacabiyo cayaariyo
samo lagu caweeyoo
naftu ay saluugiyo
saranseerba dhaaftoo

samaanteed ALLA u hayee
calankan sare u qaad
subixii guduudtaba
sabadeed irmaanee

sooliyo sanaagiyo
sinji wacan togdheeriyo
awdaliyo saraariyo
saaxiliyo hargaysiyo

gabilay salkeediyo
saba daad madheedhiyo
saaciyo barwaaqoo
qurux lagu sar gooyo
mayaygii salaad helay
bariidiyo salaan mudan

Exit mobile version