xifad maaha caashaqu xoogna laguma soo helo
xiisahana ruuxaad aad jeceshahay xididada wadnaha iyo
isku xidha halbawlaha
xilkasmaaha caashaqu kaa helay xabiibi xasuuso aad
u fara badan ana waan xajinayaa ha iga filan xuman
abid mar haduu xuftaa hore xagal daaci waayo
xaska loo dhigaayiyo ka xoroobo caashaqu
gaf iyo is maan dhaaf xurmadiisu waa deeq
iyo dhaqan xariiroo haduunbaan xaqiiqsaday
jacayl aan xasuustaba
cidla lagama xiiqee haduu nasiibku kugu xidho
mid yaqaana xeerkiyo xisaabaha jacaylkee
xilka laba is jecelbaa ku haboon xaqsiintee
xag kastoon ka eegaba kaa helay xabiibi

Exit mobile version