VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Anaa samray maanta Lyrics

segsaagtay jaceylkaa
saluugtay naftaydaa
sadrigaan kugu sooray
adaa ka socdaalay
mudaan sahwiyaayey
sabaalo kuseexday
soortii cunuwaayo
adaan ku sugaayey
anaa samray maanta
xaqaagana saydhay
markaad siraheena
cadawgeena ku salaantay
ayaa sadrigayga
xilkaagii ka suulay
samaanta dhexdeena
xabaashay sadkeena
bogaan kugu seexshay
sibaad uga guurtay
dhaxaan salalaaay
iulmadu susumaysay
dartaa soconwaayey
awgaa usilcaayey
awgaa usilcaayey
anaa samray maanta
xaqaagana saydhay
markaad siraheena
cadawgeena ku salaantay
ayuu sadrigayga
xilkaagii ka suulay


Lyrics by: anwar
loading..
-- / --