Xurmo badane Xidida jirkiyo
Beerka xadanteeya
Xaydaanka laabtiyo
Qalbiga xiise ku lahaade

Xeel dheere xaragiyo qurux
Hadal la xoodaanto
Xag kastoo la eego
Adaa xulashadaydiiya

Xor ahaw xidhiidhkana ha goyn
Xeeri sharafteena
Xagaad iga jirtaabay
Niyadu ku xasilaysaaye

Xayaatada intaan noolehee
Xay ku ahay dunida
Xadidaad jacayl aan lahayn
Xoorka darartiisa

Xubigoo dhan xadhigiisa qabo
Kuu xabeebsadaye
Xadka nolosha adigaa hayee
Hayna kala goynin

Exit mobile version