Heesta Jaalahayoow - Lyrics
jalahaayow
inankii jaarkoo
kii jacaylkai barow
in badan kuu jeelow
muda ku jeedaliyo
jab hoog ku mutee
jahanamuu igu wadaa
ii jawaab ii jidh dabac
jaalahayow
jaari talo kuma wacne
arimaha soo jalalabne
imika jeedaalale
wan kadoo jimicsade
waa inan wada jirno
qaadir ku horjoojiya
jalahaayow
inankii jaarkoo
kii jacaylkai barow
dhibtii iyo jiradii hore
warmihii iga joojise
sidan jantuun aan ku jaree
jahanamuu igu wadaa
iijawaab iijidh dabacsanaayow
jarabkla aad mudatiyo
jirada waan kula qabay
waana kuu jeelanaa
jiha kastaba kaa dayee
waa inaan waa inaan
wada jirnoo qaadir ku hor joojiyaa