VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Meer meertoy - Lyrics

Meer meertooy aduun Ninba maalintiisa Ay soo martaayee Maankaa ku haay 2× Mac waa la cunaayee Muf waa la tufaa Wixii uu maceena Mayaa la iska yiraa 2× Ma i marayso maneenadaas Masalaa wadataa Meel kuuma haayo Waa kaa maarmayee 2× Ma mudaynin miyaa Mareegii jacaylkee Aad mutaysee Maan gaabnimadaa 2× Malmadii murtidaa tahay Iyo webii Ma hilmaamtay markii Oo macaanoow ku lahaa 2× Ma i marayso maneenadaas Masalaa wadataa Meel kuuma haayo Waa kaa maarmayee 2×
Queue is empty
-- / --