dhul xareedi jiiftiyo
dhir ubaxa doodilay
anagoo dhex taagnayn
jacaylkaan dhisnaybaa
naftiisii dhanbalayoo
naftiisii dhanbalyoo

markii aan dhankaygiyo
dhinacayga joogtee
dharaarihii wacanayd
kuma dhaafin wacadkii

sidiibaan dhibaatiyo
uga dhawraa caashaqa
inuu caashaq dheeliyo
adigaa igu dheer dadkoo idil

markii aad dhankaygiyo
dhinacayga jiiftee
dharaarihii wacnaa
kuma dhaafin wacadkii

daya caashaq daashaday
ilmo kama dhamaatee
halkii aad ku dheerayd
wali way ku sugaysaa

Exit mobile version