Seynab Cige
curaadiyo jacaylkii
kala cagaanan jiray
ana caawa labadaba
la cawey simaayee
waxad cidhib ku leedahay
la cawee sidiisa
halka laga ciyaaree
walee ciirsigeygoow
calaf iyo wad mooyee
mid kaleba ma caashaqo
Salaad Darbi
cashadaynu kulanaa
cirka roob ka da'ayoo
cawo dhalad inaad taahay
cindigayga galiyee
sida calan keena
cadaankiyo buluga leh
cirifka isa saaraa
walee canab la moodyee
cimri iyo wad mooyee
dumar kale ma caashaqo
Seynab Cige
carabkiyo indhaha iyo
calooshaad dhex miratoo
cadaw aad ku noqotoo
hawlo aad ku curisee
kalgacaylka ciidami
cusleeyoo hub soo dheh
ana yaanu ceebeyn
walee ciirsigeygoow
calaf iyo wad mooyee
mid kaleba ma caashaqo
Salaad Darbi
sida coogankii bari
ama ciidii jarareyd
cirka ubax ku yaaliyo
cadarkii ka boodee
cosob geedahayoo
laga goynin caarada
carfigiisa leedee
walee canab la moodyee
cimri iyo wad mooyee
dumar kale ma caashaqo