VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ceel buur - Lyrics

 

Culeys kuma dhaqaaqdo
Mana cararto
Cagta socodka
Kuma dhererto ciidee
Way cidhib sataa
Ceeb male yartaniyoo
Quraankaa Cadeeyoo
Caynkeeda oo kale
Lacadaabi maaye

Waa curad ninkii dhaley
Laga siiyo cuudoo
Waa curad ninkii dhaley
Mahad looga celiyaa

Cududaha gacmaha
Cidiyaha faraha
Casarkii cadceedoo
Godka cidhifka galiso
Ka sokeeyoo caadoo
Falaadh wada casaan ah
Ku cadeeysay baalaha

Ama laanta canabkoo
Hoobaan la ciirtiyo
Canbaruud bislaadiyo
Cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon
Cidi daaqin weeye
Ila cidhibta hoosiyo
Tinta caaradeeda
Cad xun ku arki mayside,
(ama cidhibta hoosiyo
naaska caaradiisaba
cad xun ku arki mayside

Waxa ay cidlo lama amaanee
Waxa ay la cayntahey
Sida geed caleen loo
Cosob gu ka baxayoo
Ceeynku roobku u curanyahey
Laamaha caleentii
ay midiba cayntahey
Lagu wada cayaaroo
Loo ciid tagoo
Caano iyo nabad loo
Ceel buur ku yaaley
Caynkiisa leedahey.

Ma celceliso hadalkoo
Runta kama cabsootee
Carab dalableh
Calool weecsan
Kugulama caweeysee.

Ceeynkastaba u eegoo
Cadho ku arki mayside
cid waxey ku dhaaftaa
koley camal samaantee.

Waa curad ninkii dhaley
Laga siiyo cuudoo
Waa curad ninkii dhaley
Mahad looga celiyaa.

Cududaha Gacmaha
Cidiya faraha
Casarkii cadceedoo
Godka cidhifka galisoo
Ka sokeeyo caadoo
Falaadh wada casaana
Ku cadeeysey baalaha

Ama laanta canabkoo
Hoobaan la ciirtoo
Canbaruud bislaadiyo
Cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon
Cidi daaqin weeyee.

Ilaa cidhibta hoosiyo
Tinta caaradeedaba
Cad xun ku arki mayside

Waxa ay cidlo lama amaanee
Waxa ay la cayn tahey
Sida geed caleen loo
Cosob gu ka baxayo
Ceeynku roobku u caranyahey
Laamaha caleentii
Ay midiba cayntahey.

Lagu wada ciyaaroo
Loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaaley
Caynkiisa leedahey.

 

 

Queue is empty
-- / --