VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haldhaa - Lyrics

Salaad Darbi

Haldhaayey waxaa jira
geed hadhweynoo
hanti aad uleedoo
hoobaanta midhahaa
kuu haysoo gaajo
aanad kuna hagaagine
nin habari dhashay
hal ma seegi waayee
hawlahan bal ila fuli

Seynab Cige

Halyeeyow waxa jira
meel hoo u baahan
hadal kuma bogsootee
halkanuu aad ileedahay
waa hawlo kuguma maqan
waan u dhaga hagoogtee
hoos u dhaadhac waxaad taban
harag cawl ha saarine

Salad Darbi

Haldhaayey waxa jira
hilin looga baaqoon
ku hayaamin karinoo
awr hayinaan u waayine
hubsanayey roobkii
halkay qabatay heegadu
nin habari dhashay
hal ma seegi waayee
hawlahan bal ila fuli

Seynab Cige

Halyeeyow u jeedada
hiladiyo tilmaamtii
hilinkeedu wuxuu yahay
waa nin hal u lisiyo
habeenkii jacaylkuba
is hareera yaaliin
hoos u dhaadhac waxaad taban
harag cawl ha saarine

Queue is empty
-- / --