VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hana liicin (6666) mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Salad Darbi
Hana liicin (6666)

lix kun iyo lix boqol iyo
lixdan iyo lix baan kugu lalay

hayga laaban ha iga leexan
hana liicin hana labalagoobin

ama libinta seeg
ama labadi isi caashaqa
nafteyna iyo jaceylkaba
aan nabad galiyeynoo

ladnaan iyo barwaaqiyo
laag caafimaad baan kugu lalay

ha ladladin ha laflafin
ha layaabin hana laqin axdiga

lahaanshada ma gooyninee
labadii is caashaqa
nafteyna iyo jaceylkaba
aan nabad galiyeynoo

Jaceyl aan libdheynoo
aan libiqsaneyn baan kugu lalay

ha ligligan ha leexleexan
soo laxaadso hana labalagoonin

ama libinta seeg
ama labadi is caashaqa
nafteyniyo jaceylkaba
aan nabadgaliyeynoo

lix kun iyo lix boqol iyo
lixdan iyo lix baan kugu lalay

ha iga leexan ha layaabin
hana liicin hana laqin axdiga

ha laladin ha laflafin
ha laaybin hana laqin axdiga
lahaanshada ma gooyninee
labadii is caashaqa
nafteyna iyo jaceylkaba
aan nabadgaliyeynoo

codkii Salad Darbi, Zeynab Cige