Zeynab Cige
Afkay ma yalqin gabey
qalbigo aan yeedheyn
nafta iyo yuquuntaba
yaayuuley xalayoo
sida awr yuguuroo
hawl bey i yilyiliyoo
yacada iyo feedha
yacay kuma nagaanee
yaab baan ku nooloo
xalay yuluulahaygii
yuqubta iyo faalada
yicibta iyo dareemada
yacay kuma nagaanee
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa
Salaad Darbi
Yicibtaan ku nooloo
dugaagaan yur odhan jirey
yaban gacal la yeeshee
Yawleeyey duurkoo
arini iga yaagoo
yaasiinka culusiyo
ya\'ley hoos ku labaley
ku ey tahay quraankee
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa
Zeynab Cige
Jacayl yimi oo yugan
arintaan yagleelaba
meelaheeda kala fura
Yaabaan ku nooloo
xalay yaluulahaygii
yuqunta iyo faalada
yacada iyo dareemada
yacay kuma nagaanee
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa
Salaad Darbi
Yaaban odhan nin caashaqa
yaayuulka ciilkiyo
wali oon igama hadhin
Kabuhu iima yeelnoo
kalgacayl yabaaloo
aniga yaraadey
baan la yuuraraayoo
keymahaa ii xoomee
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa
hayabaa hoya
hoyaahee hayabaa