Heesta Dhalanteed - Lyrics
aniguu dhab kuu jecel
dhaayaha indhahayguna
adi ay kuu dhawrtaan
ha igu kicinin dhiigee
macaane iga daa dhibaatada
hadalada dhasaarkee
dhalanteed ma fiicnee
dhabtii inaan ku jecelahay
maxaan kugu dhaartaa
dhisme lagu nagaadiyo
hadaan dhidibnay caashaqa
isku nahay dhigg iyo udub
ha dhaawicin jacaylkooo
wax dhimasha ah ka ogoow
dhuuxiyo laftaydiy o
dhiiga qaada xididada
dhamaan waaxayahaygee
igu dhalisay caashaqa
macaane abid iga dhamaanayn
dhabta inaan ku saaraa
sida ubad yaroo aan dhalay
kaa dhawri hadimadoo
ku dhooldhoolin doona
dhisme lagu nagaadiyo
hadaan dhidibnay caashaqa
isku nahay dhigg iyo udub
ha dhaawicin jacaylkooo
wax dhimasha ah ka ogoow