VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Muhasho - Lyrics

hadii laba mudnaaniyo isasa siiso maamuus ama hadal macaaniyo ku midooba caashaqa mar haday is waayaan mudo kala maqnaadaan qalbigii midaysnaa kala mooso waayuhu soo urugo iyo ciiil midba meesha uu tago ma xasuusto kii kale ana muhashadaadii marna kaama maarmee ha iga maqnaanin maalin iyo laba adaan kugi mashquulee laba aan muuqiyo kala maarmin abidkood miindhada kalgacalkuna maalin qudha ay soo marin mid haduuu xayiran yahay ka kalana ma moogee meehanawga gocoshada mataanaha ay ku wada yihiin anigana mareegtii mahuraanka caashaqu sidii bay iigu maran tahay ana muhashadaadii marna kaama maarmee ha iga maqnaanin maalin iyo laba adaan kugu mashquulee
Queue is empty
-- / --