VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Balan baalis qalimo leh - Lyrics

sida meel barwaaqaa oo buuro dhaadheer webi baal maraayoo barbarkana duruuruhu kaga beegan yihiinoow waaguna beryaayoo bardihii magooliyo ubaxii gadaal baxay balan baalis qalimale hadba laanka boodaa adna iibidhaantaa biligtaadu waa taa kalgacalka beertoo bilicdaad wax dheertahay meel baadku ku hooroo maajeen baldhiiliyo maadhiyo bandhooluhu baarka isku soohdeen aan bahal ugaariyo baryahaa dad soo marin oo wali bur laga goyn biyuhuna qulqulayaan sida loogu oon baxo yaan kugu badhaadhaa adna ii bidhaantaa hawdiyo banaanoo beeshu nabad bariisada barqinayso maalkoo ay beri samaaday dhalintiyoo barbaartuna dhaantiyo balooleey bulsho gago u fayteen sida loogu beer raqo subaxaan ku booqdaba
Queue is empty
-- / --