Qarqarsiga kalgacal
Kaariyo qardhaas
Qarow igu noqdoo
Naftaan qaybsamee

Qudurada jacayl
Geediyo qardhaa
Tii laga qoraa
Ma qaboojiyaan

Qiilna uma hayaaneey
Haggadeey adaa
Nafta qaayiboo
Kuu qayshadee
Ila qaybso nolashoo
Ila qabo axdiga
Aan aqal galee

Qayrkeed karoon
Qalanjadii hablahaa
Quruxda ugu siddaay
Nafta qaadatee

Qqudurada jacayl
Xiisahaan u qaboo
Qaacba wadnaha
Iga qiiqayeee

Qalbiga i shidee
Haggadeey adaa
Nafta qaayiboo
Ila qaybso nolasha
Ila qabo axdiga
Aan aqal galnee

Exit mobile version