VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hees aroos - Lyrics

mataanaha kalgacayl dhaba mudo dheer barbaarshee axdigoodu meel maray laba meher xalaaliyo muxibo isku guursadoo aroosna loo mashxarada darajadan mutaystee mudaniyo marwo maxamed iyo faysa magaciin ha waaree waalidkiin maslaxiyo martisoor ku caanbaxay mawluhu ha idinka dhigo dawo waa milgaha guur mansab laba is mudataa martaba ay ku gaadhaan waana murtaaxa nolosha iyo muxibada rugteediyo masuuliyad ay qaadan lamaanaha midaysani mudaniyo marwo maxamed iyo faysa magaciin ha waaree waalidkiin maslaxiyo martisoor ku caanbaxay mawluhu ha idinka dhigo
Queue is empty
-- / --