Heesta Ugub - Lyrics
u tudh weeyi caashaqu
ugub weeyi aan dhalin
waana arab libaaxoo
afkiisoo ku nooshay
marna waa ilayskiyo
ubax soo baxaayiyo
sida oogta waabari
markuu helo asaagii
is ilaali dhalinyaro
indho garasho waa sade
axdiga yaan la fududayn
heebo weeye caashaqu
urugiyo xanuun badan
waana ilig yaxaasoo
afkiisood ku nooshay
marna waa abaaliyo
adin lagu dhaqaaqiyo
inta oogta kaa jira
markuu helo qof aamina