nimco wanaag lagu nastaay
naruur ugbaad lagu hiirtaay
nasab xumaan laga deyrshaay
i iftiinshaay nal ifaay
adaa nabar ii quudhin
adaan nusqaantayda diida
adaa jacayl ii nuuja
i iftiinshoow nal ifoow
nasiyaay qalbigayga dajiyaay
inuujiyaay naxariis hankaygaay
nabdigayga adigaa kalgacayl
kugu beerayee iinugloow
qalbigaygoow
naftanaad yeelatee
maankaygaad nagi ku tahoo
naxli iyo xumaan iga dhowraay
i iftiinshoow nal ifoow
i iftiinshoow nal ifaay

adaa nabar ii quudhin
adaan nusqaantayda diida
adaa jacayl ii nuuja
i iftiinshoow nal ifoow
i iftiinshoow nal ifoow
nimco wanaag lagu nastaay
naruur ugbaad lagu hiirtaay
nasab xumaan laga deyrshaay
i iftiinshaay nal ifaay
i iftiinshaay nal ifaay

Exit mobile version