Heesta Walaal - Lyrics
Waxa tahay walaalkay
Wehelkayga kaliyee
Waligay intaan jiro
Wax sheegto abidkee
2x
Saaxiib wacnaan iyo
Libin ii walwaalshoo
Kuma waayo noloshee
Farxad iigu waarsamoow
2x
Nafta ruux ku weynoo
Walwal ila dareemoo
Markii aan walaacsamo
Igu weynidaa walaal
2x
Saaxiib waxyeeliyo
Wakhtiyada adkaasha
Dhibta ila wadaagoo
Waanadaadu waa dheef
2x
Wadnahayga bidixoo
Waad ila dedaashee
La,aantaa waxbaa dhiman
Oo waran ma kuu helo