Heesta Gardaro - Lyrics
Waligay qof maan gaadin
Gardarana kaman galin
Gacaliyo xigaaloo
Gocashadu se waxay tahay
Hudo hiixo lagu gam'iyo
Hudeedeel ka talisiyo
Gacaliyo xigaaliyo
Taladaad gorfayseen
Geedka laan ka leeyahay
Garna aley taqaan
2×
Gubaabadiyo heesaha
Gorfaynta maansada
Gaar ahaana muusiga
Gardaro umaan galin
2×