Inkastood wanaagiyo
Jacaylkeenu wiiqmood
Weydaysay inanyohow

Wacanoow kalgacalkaa
Sidii wali xushmayn jiray
Wado wado wado
Kaga dhaqaaqee

Wacadkaynu dhiganiyo
Wada dhalashadeenii
Waraabaha dul noogteed
Dul noogteed
Waraabaha dul noogteed

Ana la igu wadi maayo
Walbahaaarka caashaqa
Walwal iyo dhibtiisee
Ana la igu wadi maayo
Walbahaaarka caashaqa
Walwal iyo dhibtiisee
Wanaag ruuxa kuu gala
Xume lama waraabshee

Wehelkii naftaydoow
Mee mee wadajirkeenii
Mee mee wadajirkeenii

Waayaha aduunkuna
Waa harkaa wareegoo
Samo laguma waaree

Hadaad maanta wacantiyo
Dib waxay ka noqoniyo
Bari bari bari kama warhayside

Exit mobile version