Burcadii bilnayday
Boholyowga caashaqa
Baradeeda haydee
Bilaneey ma nabdbaa

Burcadkiyo caanaha
Bilicda tii lahaydeey
Bilaneey ma nabadbaa

Tii geesi bilanoo
Gorta aan ka kicinoo
Bakaayada dibaacana
Burcad tii lahaydeey
Bilaneey ma nabaadbaa

Tii bilis haweenoo
Bilicda tii u roonayd
Burcad tii lahaydeey
Bilaneey ma nabadbaa
Bilaneey ma nabadbaa

Boholaa xarkagaaniyo
Duro tii aan lahaynee
Bari siman ahaydee
Dhirtu way badan tahay
Bilaneey ma nabdbaa

Togoo soo burqadayoo
Ceel baaxad weynloo
Lagan waayay biyo abid
Burcad tii lahaydeey
Bilaneey ma nabadbaa

Balaayada dhacaysiyo
Baasahan aduunyada
Burcooy baal lagaa mari àmiin
Noqo meel barwaaqo ah àmiin

Burcooy baal lagaa mari àmiin
Noqo meel barwaaqo ah àmiin

Exit mobile version