Hurdada awgaa ka go,ay
Hamiga caashaqee i helay
I helay dhibaa ii muuqda oo
Hawadaan hawadaan
Hawadaan kaa eegayaa

Haasiwihii bari bari hinday
Ma hilmaamayee
Iga hoo jacayl jacaylkan
Aan hagar lahayn
Iga hoo jacayl jacaylkan
Aan hagar lahayn

Gayigu tiiqu jantaa
Qalbigan kuu heelan adi
Adi haduu ku heli karana
Naftuu naftuu
Naftuu kuu huri lahaa

Haasiwihii bari bari hinday
Ma hilmaamayee
Iga hoo jacayl jacaylkan
Aan hagar lahayn
Iga hoo jacayl jacaylkan
Aan hagar lahayn

Iga hoo jacayl jacaylkan
Aan hagar lahayn
Iga hoo jacayl jacaylkan
Aan hagar lahayn

Exit mobile version