Lilaahi baan kuu ahaayo
Lilaahi iimaad noqon adigu
Labbo ruux is jecel oo
La'isku xantaa ahynee
Liibaan ma leh aduunyadu
Laakin kaama filaneen
Laxawga caashaqa kama ladnaaninee
Laabtaan kugu haayaa weli
Labo amaannin ereyadaada
Waxa la ooyayaayaa
kaama maarmo walaalnimo
Lamo xujeeyo qof ku jecel
Lama ilaawo barashadii macaaneed
Xubbi loolal badan baa
Muddo badan ilaalsaday
Lamaano is raba oo
Lagu diintaa ahaynee
Iga daaa lugooyada
La'aantaa maladayeee
Laxawga caashaqa kama ladnaaninee
Laabtaan kugu haayaa weli
Labo amaannin ereyadaada
Waxa la ooyayaayaa
kaama maarmo walaalnimo
Lamo xujeeyo qof ku jecel
Lama ilaawo barashadii macaaneed