Masiibay waxaa tahay
Meel aan uunkaba
Baylaha u daayay

Nasiibkii aan doortaay
Nimco eebo keenay
Noole adiga kula mida
Noloshayda maan arag

Nabarada kalgacalkee
Qalbigaygani gashaday
Waligaa ha naafeyn
Ila naaxi naaxi caashaqa

Intaa inaan aruuriya
Nabad wanaagba leh
Nasabaad u tahay

Indhahaaga nuurkiyo
Naxariis ka daymadaa
Ana waan ku nooloo
Niyadaad ku baahdee

Nabarada kalgacalkee
Qalbigaygani gashaday
Waligaa ha naafeyn
Ila naaxi naaxi caashaqa

Exit mobile version